BEELAHA HAWIYE oo soo saaray go’aano xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo war-murtiyeed ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa si buuxda u taageeray ra’iisul wasaare Rooble iyo xukuumadiisa.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay waxgaradka beelaha Hawiye ayaa bulshada reer Muqdisho looga codsaday in Khamiista soo socota ay ka soo qeyb galaan banaan-baxyo balaaran oo looga soo hor jeedo ficillada Madaxweynihii hore.

Banaanbaxaas oo la shaaciyey inuu ka dhici doono fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ayaa cinwaan looga dhigay, “Afgembi diidnay, doorashaan rabnaa.”

“Beesha Hawiye waxay saldhig u tahay dowladnimada Soomaaliya, waxayna dooneysaa in hoggaanka dalka la isku wareejiyo, iyadoo la raacayo shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxay shaaciyeen in uusan jirin damac kursi oo beesha uga jira garabka Farmaajo oo ay ku tilmaameen ‘kaligi-taliye’ “Ma jirto xuquuq siyaasadeed oo nooga maqan ama uu nasii karo kaligii taliye Farmaajo,” ayaa lagu yiri bayaanka Hawiye.

Beesha ayaa aad u cambaareysay kooxo ay sheegeen inuu soo abaabulay Farmaajo oo been abuur ka faafisay beel-weynta Hawiye, iyagoo cadeeyey in beeshu aysan wax cilaa-qaad ah la laheyn Farmaajo.

“Kooxahaasi waxay wareejinayaan inay shireen ‘Farmaajo iyo beesha Hawiye’ waxaan shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in uusan jirin habayaraadee wax kulan ah oo aan la yeelanay Farmaajo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay beesha Hawiye.

Sidoo kale beeshu waxay cadeysay in aysan jirin sabab ay hadda kadib xataa ula kulanto Farmaajo, maadaama aysan waxaba uga xireyn, “Waxaan cadeyneynaa in aysan jirin cid wakiil ka ah beesha Hawiye oo la kulmeysa madaxweynihii hore kiligi-taliye Farmaajo,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale Beesha ayaa si buuxda isu-garab taagtay shirka golaha wadatashiga qaranka iyo howl-gudashada ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa.

“Waxaan u cadeyneynaa umada Soomaaliyeed, in aanaa u dulqaada doonin cid kasta oo xagal-daacineysa dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble, kuwaas oo ku saabsan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabad ah dalka uga dhacda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Hawiye.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii