Beesha caalamka oo farriin u dirtay madaxda dalka kadib heshiiskii Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online)  – Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo si deg-deg ah usoo saareen uga hadleen Heshiiska ay gaareen Guddiga farsamada arrimaha doorashada federaalka, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku shirsanaa magaalada Baydhabo.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiskii lagu gaaray shirkaas, oo xal looga gaaray xiisada Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland, Xaaladda Gobolka Gedo, Adkaynta Qoondada Haweenka iyo Jadwalka qabsoomidda doorashada.

“Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay soo dhaweeyen baaqii uu guddiga farsamadu usoo jeediyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka, kaasi oo ahaa inay shirweyne looga arrinsanayo doorashada ay iskugu yimaadaan maalinta berri ah.

Inkasta oo ay adag tahay suurta-galnimada in kulan ay u dhan yihiin madaxda dowladda federaalka ee warigoodu dhamaaday iyo kuwa dowlad goboleedyadu iskugu imaadan shir, haddan waxay Saaxiibada beesha caalamku ku booriyeen madaxdaas inay kulmaan 18-ka Febraayo.

“Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh.”

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa iyagu qaba in is-faham iyo heshiis kama dambeys ah gaari karaan madaxda hore ugu soo kala kacday shirkii Dhuusamareeb-4, waxayna ku cel-celiyeen in kulan la isugu imaado maalinta Khamiista, kaasi oo xal kama dambeys ah looga gaarayo muranka doorashada.

Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ayaa xalay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed uga dhawaaqay inuu guul ku soo dhammaaday shirkii dhinacyadu, islamarkaana Guddiga oo ka duulaya mabaadi’da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka uu xal ka gaaray arrimihii ugu adkaa ee la isku hayay.

“Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay guddigaas xalay soo saaree.