Aw-Xirsi oo DF u diray farriin la xiriirta dibad-baxa ay qorsheeyeen mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta maamulka Jubaland, Aadan Ibraahim Xirsi ayaa markii u horeysay ka hadlay banaanbaxa weyn ee ay iclaamiyeen Midwoga Musharaxiinta Mucaaradka, kaasi oo maalinta Jimcaha ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Aadan Aw-Xirsi ayaa ugu horeyntii sheegay in banaanbaxaas xaq u leeyihiin inay qabtaan mucaaradka, islamarkaana ay waajib ka saaran tahay ciidamada dowladda iyo kuwa nabad-sugida inay ka qeyb kaa qaateen xaqiijinta amniga goobta shacabku iskugu soo baxayaan.

Aw-Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu dowladda federaalka usoo jeediyay inay tallaabo nabdoon u raadiso joojinta banaanbaxaas, ayada oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco iska hor-imaad dhex-marka dadweynaha isku soo baxa dhigaya iyo ciidamada dowladda.

Waxa uu ku taliyay in Wasaaradda Caafimaadka ay codsi u dirto Midowga Musharaxiinta si loo baajiyo banaanbaxaas, maadama uu dalka kusoo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, wuxuuna xusay in haddii ay ku gacan-seyraan mucaaridka aqbalaada codsigaas ay xaq u leeyihiin qabashada banaanbaxas.

“Waa laga codsan karaa, ayada oo la marayo Wasaarada caafimaadka oo waxaa la dhihi karaa ‘walaalayaalow waxa jira xanuunkaan, ee naga dhima’, haddii ay diidaan wey mudaharaadayaan xaq dastuuri ah ayey u leeyihiin, booliskuna waa inuu waardiyeeyaan, nabad-sugidda waa inay geedaha fuulaan oo ay dhowraan, waa inay sugaan in mudaaharadkaas ku dhammaado si nabad ah, mas’uuliyadda dowladda waayey taas,” ayuu yiri Aadan Aw-Xirsi.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa Axadii toddobaadkan ku dhawaaqay banaanbaxaas oo ka dhacaya Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, iyagoo sheegay inay hor-kici doonaan, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, islamarkaana ay ku dalbanayaan in dalka ka dhacdo doorasho dhaqso ah oo wada-ogol ah.