DF oo mamnuucday isu-imaatinka dadka kahor dibad-baxa mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo rogtay amaawiir adag oo looga hortagayo inuu sii fido cudurka Coronavirus oo markale kusoo laba-kacleeyay dalka, kadib shir ay maanta iskugu yimaadeen Wasaaraddaha qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Covid-19.

Shirkaasi oo uu shir-guddoomiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiina, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa lagu go’aamiyay in la xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada bulshada, ayada oo xooga la saarayo in meesha laga saaro isku-imaatinka dadka badan.

Awaamiirta kasoo baxay shirkan ayaa waxa lagu fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe, waxaana gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada.

Sidoo kale waxay xukuumaddu waajibisay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask, ayada oo la joogteynayo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir.

Waxa xusid mudan in awaamiirtan aan si faah-faahsan loogu sheegin waxa laga yeelayo Goobaha waxbarashada iyo gaadiidka dadweynaha oo ah meelaha kulmiya dad tiro badan, waxaana qoraalka lagu yiri “Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah”.

Awaamiirtan cusub ayaa waxa laga talo-geliyay madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaasi oo ku raacay in la dhaqan-geliyo, waxayna kusoo aadayaan xili uu caasimada ka socdo abaabulka banaanbax ay iclaamiyeen Musharaxiinta Mucaaradka.

Si dhab ah uma cada in xukuumadda Rooble ay is-hortaagi doonto banaanbaxaas, hase yeeshe awaamiirtan cusub ayaa meesha ka saaraya in caasimada iyo guud ahaan dalka laga qabto isku imaatinada kulminaya dadka badan.

Hoos ka aqriso awaamiirta ay xukuumadda soo saartay;

  • In la fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe.
  • In gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada.
  • In ay waajib tahay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask.
  • In la joogteeyo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir
  • In la yareeyo isu socodka gobolada iyo safarada laga maarmi karo
  • In masaajidada oo ah goobo cibaado bulshaduna si joogto ah isugu timaaddo lagu dedaalo kala fogaan, af dabool iyo nadaafadda oo kor loo sii qaado.
  • In Ciidamada amnigu ay u xilsaaran yihiin dhaqan gelinta go’aamadan. 
  • Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah.