Beesha caalamka oo ku talo jirta arrin gobanimada Soomaaliya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho uu shir gaar ah uga socdaa Xubnaha wakiilada ah ee Beesha Caalamka ka jooga Somalia kuwaasi oo dhaliilsan go’aanka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somalia.

Xubnahaani wakiilada ah ayaa waxa ay ka tashanayaan go’aan ka gaarista natiijada kasoo baxday shirka Madasha Qaran ee kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho iyo kan Guddiga doorashooyinka Qaran ay la yeeshen.

Xubnahaani ayaa waxa ay ka doodayaan qodobada qaar ee laga soo saaray shirka kaasi oo ay isku afgarteen xubnaha Madasha.

Xubnahaani ayaa ka doodaaya in la raaco go’aanka kasoo baxay shirka Madasha iyo Guddiga doorashooyinka iyo in si wada jir ah ay kaga soo horjeestaan natiijada laga soo saaray shirka.

Shirka ayaa waxaan qeyb ka aheyn xubnaha qaar kuwaasi oo wakiishay Ergayga QM u qaabilsan Somalia Mr Keting, waxa ayna sheegen inay raaci doonaan go’aanka kasoo baxa kulankooda.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa horay u cadeeyay in mowqifkooda uu yahay inaan laga dib dhicikarin wakhtiga doorashada Somalia.

Ma cadda waxa uu noqon doono go’aanka kasoo bixi doona wakiilada Beesha Caalamka ee ku aadan Natiijada kasoo baxday shirka Madasha ee lagu go’aamiyay dib u dhaca doorashada.

Tallaabada wakiilada caalamka ayaa shaki gelineysa gobonimada Soomaaliya, waxaana diidmadooda go’aanka guddiga doorashada ay muujineysaa in dalku aanu madax banaaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com