DHAGEYSO: Nasteexo Indho oo xiisad ka dhex abuurtay Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Fanaanada Nasteexo Indho ayaa khilaaf ka dhex abuurtay Culimada Puntland iyo madaxda maamulka Puntland, kadib markii fanaanada ay bandhig faneed habeen hore ka dhigtay magaalada Garowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Camey ayaa ku gacan seyray dalab uga yimid culimada oo ah in la joojiyo bandhigaasi oo ay ku tilmaameen Fisqi, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay ku socoto amar madaxweyne.

Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, gudoomiyaha jaamacadda Bariga Afrika, kana mid ah culimada aadka looga xushmeeyo deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland.

Maxamud Xaaji Yuusuf ayaa ku eedeeyay dowladda Puntland inay raali ka noqotay in lagu xad gudbo diinta islaamka iyo aqlaaqda suuban.

Sheekha ayaa sheegay in maamulka Puntland ka jawaabi waayay baaq culimada kasoo saareen in la joojiyo bandhig faneed ay xalay Garowe ku qabatay fanaanada Nasteexo Indho.

Wuxuu sheegay inaan la aqbali karin in Puntland gudaheeda dad gaajo ugu dhimanayaan, kuwo ilmahooda dhaqaale xumo uga tahriibayaan haddana in la dhiiri geliyo in heeso lacago lagu bixiyo islamarkaana ay maamulka Puntland raali ka noqdo in dhulkeeda fasahaad ay ka sameeyeen dad dibadaha ka yimid.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/08/indho.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com