Beesha caalamka oo uga digtay Faarax C/qaadir xil ka qaadista R/W Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog-ogaal ah oo aynu ka helnay Ilo Diplomaasiyadeed oo ku sugan magaaladda Nairobi, ayaa waxay sheegayaan inay ergo ka socotay Beesha Caalamka ay shalay kulan la yeesheen Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Faarax Sheekh C/qaadir Mahamed oo maalmahan ku sugnaa Nairobi.

Kulankaasi oo ka dhacay Dhismaha Safaaradda Maraykanka, ayaa waxaa Wasiirka la kulmay Ku-simaha Ergayga Gaarka ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Brian Phipps iyo Wakiillo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Kooxda Caalamiga ee Isku-xirka Arrimaha dalka Somalia (Somali Contact Group) iyo Diplomaasiyiin kale.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Caasimada Online u sheegeen in ergada Caalamiga ku tirtirsiiyeen, ugana digeen Wasiirka Garsoorka iyo Federalka Xukuumadda Somalia inaan la sii hurinin xiisadaha Siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha.

Waxay kaloo Ergadda Caalamiga u sheegeen Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed inaan la abaabuli karin Mooshin ka dhan ah Ra’isul-wasaare C/Weli Sheekh Axmed Maxamed.

Hadalka Ergadda Caalamiga ee ay kaga digeen Mooshin kasta oo ka dhan ah Ra’isul-wasaaraha ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo la hadal-hayo inuu Labada mas’uul weli khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyo, lana doonayo in Cabdi Weli xilka laga qaado.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanno badan uu diyaariyey Faarax C/qaadir, islamarkaana mooshinka ka dhanka ah Cabdi Weli, uu teegeero badan u helay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com