25 C
Mogadishu
Wednesday, July 2, 2025

Xog: C/weli oo ka guuraya Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijinaaya in maalmaha soo socda uu Ra’isul wasaaraha Dowlada boorsooyinkiisa ka raran doono Villa Somalia.

Xogta ayaa waxa ay sheegeysaa in guuritaanka Ra’isulwasaaraha ay ka dambeyso Khilaaf hoose oo ka dhex taagan Madaxda Sare ee Dalka, gaar ahaan Ra’isul wasaaraha, Wasiirka Dastuurka iyo Madaxweynaha oo garab Siyaasadeed siinaya Faarax C/qaadir.

Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu wadaa inuu Hoy ka dhigto Dhismo Cusub oo looga dhisayo Dugsiga Tababarka Booliska.

Dhanka kale, waxaan weli cadeyn sababaha rasmiga ee Ra’isul wasaaraha ku qasabtay inuu ka guuro Villa Somalia, maadaama khilaafyadu caadi iska yihiin oo mar walba madaxda Soomaalida ay ka dhex dhacaan.

Lama Oga sida uu xaalku noqon doono haddii ay kala shakinayaan Madaxda Dalka, wallow ay ku dhex jiraan gacmo shisheeye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News