Rajadii laga qabay CIIDAN QARAN oo ay SOMALIA yeelato oo dhimatay kadib…

Washington DC (Caasimada Online) – Wasiirka gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay dowladda in aaney awood u lahayn xilligan in ay dhisto ciidamo xoog badan oo iska difaaca cadowgooda.

Wasiirka oo ka mid ah wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya oo xilligan ku sugan Maraykanka ayaa sheegay in dowladda ay wado qorshayaal dib loogu hagaajinaayo ciidanka xooga dalka balse ay u baahan tahay kaalmo iyo kharash la siiyo dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Maraykanka uu kala hadlaayo siddii tabbabaro loo siin lahaa ciidamada dowladda si u noqdaan kuwa iska difaaca cadowga.

Wasiirka waxaa kaloo uu xisay in dowladda ay dhistay bakhaaro lagu keydiyo hubka dowladda la siiyo si aan cid kale u gacangalin

Wasiirka gaashandhigga ayaa ku celceliyay in ay adag tahay in la dhiso ciidamo difaaca xuduudada dalka isla markaana la socda wax kasta oo si qarsoodi ah loo soo galiyo maadama cunabaqabateen ay saaran tahay dowladda.

Ugu dambeyn wuxuu rajo ka muujiyay in dowladda ay ku hami weyn tahay marka ay dhawaan Muqdisho soo booqdaan xubno golaha ammaanka QM ka socda in laga qaado xayiraada xagga hubka ee Soomaaliya si ay dowladda u soo iibsato hub iyo saanado kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com