Xildhibaan HAWIYE ah oo ku dhaartay dagaal ka dhan ah DFS kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare oo xaley gurrigiisa ay weerareyn ciidamada nabad sugida ayaa sheegay in arrintaas aan la isaga daba hari doonin isla markaana uu sharciga u dacwoon doono.

Xildhibaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in isagoo xildhibaan baarlamaan ah gurigiisa ay soo weerareyn ciidamo hey’adda nabad sugida ka tirsan.

Wuxuu tilmaamay in qorshaha gurigiisa lagu soo weeraray uu ahaa uu ahaa in lagu khaarijiyo sidda uu hadalka u dhigay balse wuxuu ku goodiyay in arrintaas halkaas loogama haraayo ayuu yiri oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa cidda soo weerartay gurigeyga.

“Anniga waxaan ahay xildhibaan baarlamaan, haddii xittaa gurigeyga ay ciidamo soo aadayaan waa in la igu soo wargaliyaa laakin xilli habeen ah in ciidamadii nabad sugida ay I soo weeraraan oo rasaas la dhacaan meel kasta ma nabad diidka ayaan iska ilaalinaa mise kuwii nabad sugida, arrintaas la isagama hari doono dalka sharci ayaa ka jira anniga waan aqaanaa cidda soo weerartay gurigeyga” ayuu yiri xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare.

Waxaa la weydiiyay in gurrigiisa uu ku soo cararay hoggaamiye kooxeed Cabdi Nuure Siyaad oo lagu raad joogay, wuxuu tilmaamay arrintaas in ay been aan sal lahayn ay tahay oo qorshaha uu ahaa in isaga la dilo balse markii arrintaas ay guul-dareestay arrinta loo badalay in lagu raad joognay dagaal Cabdiwaal.

Wuxuu kaloo been abuur ku tilmaamay in goobta lagu dilay taliyihii hoggaaminaayay howgalka lagu soo weeraray gurigiisa bale wuxuu tilmaamay in labo ka mid ah ilaaladiisa ay goobta ku dhaawacmeyn isla markaana baabuur gurigga tiilay ay burburtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com