Beesha Caalamka oo war ka soo saartay is-marin waaga ka taagan Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladihii ugu dambeeyey ee kasoo ifbaxay Galmudug, intii lagu guda jiray marxaladdii geba-gebada ee dadaalka socday bilaha ee maamulka cusub loogu dhisayo Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Saaxiibada Caalamka, oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, ayaa loogu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadda Galmudug inay diiradda saaraan baahida loo qabo inay ka wada qeyb-galaan hanaan heli kara taageero ballaaran, islamarkaana ka fogaadaan halista xasillooni darro iyo dagaal.

“Kani waxa uu baahan yahay ka wada qeyb-gal lagu helo wada-hadal, iyo tanaasul ay sameeyaan dhammaan dhinacyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saaxiibada Caalamka waxay garowsan yihiin in dadaallo muhiim ah oo arrintan ku saabsan la sameeyey toddobadii bil ee tagay. Tani waxay sahashay in heshiisyo laga gaaro qeybsashada kuraasta, waxaana bogaadineynaa tanaasulka ay dhammaan dhinacyada u sameeyaan danta Galmudug.”

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Galmudug inay ka howl-galaan in ay khilaafyadooda ku xaliyaan wada-hadal, islamarkaana ay qaataan waqtiga dheeriga ah ee lagama maarmaanka ah, si ay sidaas u sameeyaan.

“Waxaan ugu baaqeynaa guddoonka baarlamanka Galmudug, musharaxiinta madaxweynaha, Ahlu-Sunna Waljamaaca, saamileyda ku shirsan Gaalkacyo iyo wakiilada dowladda federaalka inay qaataan nidaam cad oo loo dhan yahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saaxiibada caalamka waxay ku baaqaayaan in tallaabooyinka ka harsan hanaanka doorashada loo qaado si la mid ah tanaasulladii horey loo sameeyey ee dhaliyey horumarka ilaa hadda la gaaray, si Galmudug ay ugu guuleysto hadafyadeeda dhameystiran ee danta u ah shacabka Galmudug.”