Beesha Caalamka oo wax ka weydiisay Madaxweynaha & Wasiirka maaliyadda sababta ay isku casishay Yusur Abraar

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho shir ay qaateen wafdi ka socda beesah caalamka, Baanka Adduunka, UNSOM, xubno ka socday Midowga Afrika, madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiirka maaliyadda.

Kulanka oo ahaa mid albaabada uu u xiran yahay, ayaa looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay sababihii keenay in ay is-casisho guddoomiyihiin bangiga dhexe ee Soomaaliya Yussur Abraar oo si lama filaan ah shaqada uga tegtay.

Markii uu kulanka dhammaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka maaliyadda iyo qorsheenta, Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil, wuxuuna sheegay in dhammaan wax yaabaha looga hadlay shirka la isla afgartay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in wafdiga beesha caalamka uu madaxweynaha uga warbixiyay sababihii keenay in uu is-casilo, wuxuuna sheegay in mardhow la magacaabi doono guddoomiye cusub isla markaana si weyn loo maamuli doono dhaqaalaha beesha caalamka ka soo xarooda.

Wasiirka ayaa mar uu soo hadal qaaday hadallo badan oo suuqa galay ay yihiin kuwa been oo lagu xumeynayo dowladda sida uu hadalka u dhigay in kastoo uusan faah-faahin wax yaabahaas.

Si kastaba, waxaa soo badanaya tuhunka besha caalamka ay ka qabaab sababta keentay in ay is-casisho guddoomiyihii baanka dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa horey shaqada uga tagay guddoomiyihii hore Cabdisalaan Hadliye, kaasoo ay la degtay warbixin ay soo saareen guddiga dabagalka hubka ee QM ee waddamada Somalia iyo Eriteria.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com