DHAGEYSO: Warar dheeri ah oo kasoo kordhay xiisada Khaatumo & Puntland

Taleex (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indho Sheel oo ka hadlay Shirka Maamulkoodu uu ku yeelanayo degmada Taleex eee gobolka Sool ayaa sheegay inaysan jirin cid is hor istaag  ku sameyn kato Shirka Khaatumo3 ee ladoonayo in degmadaasi lagu qabto.

Wuxuu sheegay in iminka uu soconayo shir hor dhac u ah shirka khaatumo3 ee maal maha soo aadan lagu wado inuu ka furmo deg,ada talex ee gobolka Sool ee Maamulka khaatumo State.

Maxamed Yuusuf, Madaxweynaha Khaatumo wuxuu sheegay in Ergadii ka qeyb gali lahaa Shorka khaatumo 3 inau joogaa degmada Taleex sida ugu dhowna uu shirkaasi u furmi doono.

“Si kasto shirka khaatumo waa mid dhici doono mana aha mid mid cid aan uga heebeysan doono ,ergadii ka qeyb gali laha wey joogaan , waxaaana iminka soconaya shirar hordhac u ah shirka khaatumo3 ” ayuu yiri Maxamed Yuusuf

Dhowaan madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland wuxuu sheegay in degmada Taleex  aan lagu qaban karin shir aan lagu soo war galin Maamulka puntland .

Halkaan Hoose ka dhageyso Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha khaatumo

Caasimada online

Xafiiska Taleex

Caasimada@live.com