29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xasan: Beesha caalamku shaqo kuma lahan khilaafka igala dhexeeya C/Weli

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaaladda Copenhagen ee dalka Denmark ayaa ka hadlay Arrimaha la xiriira Khilaafka ayaa waxa uu sheegay inay tahay mid ay ishu ka heyso DF.

Waxa uu sheegay in Khilaafka kala dhexeeya R/W C/weli ay tahay mid arrintaasi khuseysa Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Baarlamaanka DF oo ay howshiisu tahay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Tilmaamay in Beesha Caalamka ay suuragal tahay inay bixiyaan talo soo jeedin, balse aysan u suuragali doonin inay DF ku cadaadiso Xalinta Khilaafaadka.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Arrinta ku xeen-daaban Khilaafka waa mid Khuseysa Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan BF, Beesha caalamka waxba kama khuseeya inay xaliyaan khilaafka, waana mid xalinteeda xiligaani horyaalla BF”

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan waxa uu meesha ka saaray in xalinta Khilaafka uu yahay mid sahlan islamarkaana ay suuragal tahay in laga talaabo loona gudbo horumar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News