Beesha Habar-Gidir oo diiday qorshe uu KAY ka damacsan yahay Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha, wax-garadka iyo aqoonyahanada Beesha Habargidir, ayaa waxay maanta kulan ballaaran ku yeesheen Magaalada Muqdisho, iyagoona ka shiray xiisada ka oogan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulanka waxaa si kulul looga dhaliilay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb. Nicholas Kay, kaasoo lagu eedeeyay inaanu dhex dhexaad ka ahayn xiisada ka taagan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay kaloo lagu eedeeyay in uu xusulduub ugu jiro, sidii Gobolka Shabeellaha Hoose loogu dari lahaa Gobolada Baay iyo Bakool, laakiin aynaan taasi aqbali doonin Beesha Habargidir, sida ay sheegeen.

Maxamuud Daahir Faarax (Qooleey), ayaa wuxuu dhaliil kulul u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo uu ku eedeeyay in dagaalada Gobolka Shabeellaha Hoose uu ka hadlay mar dambe.

Wuxuu sheegay inaanu Ra’iisal Wasaaruhu ka hadlin intii Gobolka Shabeellaha Hoose mid mid loogu dilaayay dadka Beesha Habargidir, iyadoo uu ku soo baraarugay markii maleeshiyada Habargidir ay la wareegeen, halkii laga soo abaabulaayay dilalka ka dhanka ah dadka Habargidir, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Beesha Habargidir ay u muuqato sida aanu Ra’iisal Wasaaruhu dhex dhexaad kaga ahayn arrimaha Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana uu gabay’ kaalintii Qaranimo, sida uu sheegay.

Qooleey wuxuu Wasiirka 1-aad ee Xukuumada uu ugu yeeray in uu dhex dhexaad ka noqdo beelaha isku haaya Gobolka Shabeellaha Hoose, haddii kalana uu si guud kaga gaabsado, intii ay xalka iyagu isla gaarayaan.

Dhanka kale Imaamka Beesha Habargidir Imaam C/laahi Khaliif oo kulanka ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay inuu cambaareynaayo in madaxa leesku geliyo beelaha Biimaal iyo Habargidir.

Imaamka wuxuu sheegay in dadku ay yihiin kuwo wada dhashay oo xasilooni ku wada joogay Gobolka, laakiin ay muskhiladu ka dhalatay markii ay dad cadow ah dhib u arkayn, inay xasilooni ku wada noollaadaan beelahaasi, sida uu yiri.

Ugu dambeen Imaamku wuxuu ku baaqay inay wada hadlaan labada beelood, si xal rasmi ah ay kaga gaaraan dagaalada soo noq noqday ee muddooyinkaan dambe ku dhex maraayay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com