Beesha Habar-gidir oo guddoomiye dooratay kadib doorasho maanta dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa lagu soo geba gebeeyay doorasho loogu tartamayay guddoomiyaha Golaha hoggaaminta Beelweynta Habargidir oo degta gobolada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Doorashadaas ayaa waxaa ku tartamay Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac iyo Generaal Maxamed Nuur Galaal, waxuuna Shirwac kusoo baxay 41-cod.

Ergo ay iska xuleen xubnaha beeshaas ee ku shirsan Hobyo oo ka kooban 52 qof ayaa cod u qaaday labadaas musharax.

Prof. Shirwac ayaa ku soo baxay 41-cod, halka Gen. Galaal oo la tartamayey uu helay 8-cod, waxaana sidaas doorashadii Hobyo ugu soo baxay Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac .

Prof. Shirwac waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu dalka ka qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa, inuu ahaay Aasaasihii Jaamacadda Gaalkacyo, Murashixii Galmudug 2017-kii, madaxii Mashruuca Wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Hobyo, sidoo kale ahaa Mu’alifkii Heesta caanka ah ee QARAD, maamulihii Dugsigii sare ee Banaadir iyo howlo kale oo ku saabsanaa danta guud.

Shirka ka socda magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo 5-ta bishan oo ku beegan Khamiista birito.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com