Beesha Habar-Gidir oo war culus ka soo saartay AQALKA SARE.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan magaalada Gobolada dalka ay ka socdaan ololaha lagu xulaayo xubnaha ka mid noqon doona Aqalka sare ee dalka ayaa waxaa arrintaasi mid jahwareer uu ka taagan yahya ku sheegay Beesha Habar-Gidir.

Kulan ay waxgarad , Siyaasiyiin iyo Haween ka soo jeeda Beesha Habar-Gidir ku yeesheen Magaalada Muqdisho, ayay kaga hadleen dhibta uu leeyahay dhismaha Aqalka Sare ee iminka la xulaayo xubnihiisa.

Beeshu waxa ay sheegtay in dhibaatooyin jahwareer leh uu dalka kusoo kordhin doono Aqalka Sare, waxa ayna tilmaantay in jahwareerkaasi uu yahay mid kala fogeyn kara beelaha uu ka dhexeeyay xiriirka soo jireenka ah, maadaama ay dhaceyso in mararka qaar ay wax wadaagaan.

Abuukar Ganeey oo ah shaqsiga hogaanka u haya Beesha Habar-Gidir, ayaa sheegay in Siyaasada Somalia ay iska aheyd mid ku socta jawi degan balse hadda ay u muuqaneyso in dhismaha Aqalka Sare uu dalka u horseedi doono Jahwareer Siyaasadeed oo aan laga soo kabsan doonin.

Waxa uu sheegay isagoo khudbad ka jeedinaaya kulanka Beesha in aqalka sare dhibaato cusub uu ku soo kordhiyay dalka Somalia, islamarkaana uu baal marsan yahay Dastuurka KMG, maadaama horay lagu wada heshiiyay in wax lagu qeybsado 4 Beel iyo bar, sida uu hadalka u dhigay.

Dhibaatooyinka laga dhexlay Aqalka Sare ee la dhisaayo ayuu sheegay inay sii fogeysay Gobollada Waqooyi ee dalka gaar ahaan maamulka Soomaaliland iyo Khaatumo.

Waxgarad iyo Siyaasiyiin waxa ay sidoo kale isla fahmeen in qaab khaldan loo maray dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxa ayna ka digeen in xulista loo maro qaabab khaldan maadaama ay iska jiraan khilaafyo hoosaad ku xeeran hanaanka qaybsiga Aqalka.

Dhinaca kale, waxa ay DFS ugu baaqen inay xal u raadiso dagaalada soo laalabanaaya ee ka socda qeybo kamid ah Gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com