Sidee ayay Kenya uga jawaabtay go’aanka ay DF ku joojisay qaadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa si adag uga jawaabtay go’aankii ay dowlada Somalia ku joojisay qaadkii kasoo degi jiray magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka ee ka imaan jiray dalkeeda.

Peter Munya oo ah Gudoomiyaha gobolka Meru ee dalka Kenya, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay xili xun qaadatay go’aan hoos u dhac ku keeni kara qaadka ay Kenya u iibgeyn jirtay dalka Somalia.

Peter Munya, waxa uu sheegay in qaadka ka baxa Gobolkiisa loo iibgeeyo Somalia, waxa uuna tilmaamay in go’aanka dowlada Somalia uu saameynta ugu badan ku yeelan doono dhaqaalaha Gobolkiisa uga soo xarooda qaadka.

Waxa uu sheegay in dowladiisa dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo qaadka waxa uuna cod dheer ku sheegay in Kenya laga dareemi doono dhaqaale xumi, waa haddii ay dowlada Somalia ku adkeysato go’aanka qaad joojinta ah, sida uu hadalka u dhigay Mr Peter Munya.

Peter Munya, waxa uu sheegay in qaadka loo iibgeeyo Somalia uu ahaa qaadka ugu badan maadaama si xad dhaaf ah looga isticmaalo qaadka, balse waxa uu niyad jab xoogan ka muujiyay haddii ay dowlada Somalia ka dhabeyso go’aanka oo aan muddo loo qaban.

Mr Peter Munya, waxa uu sidoo kale sheegay in qaadka ay Somalia keenaan ay dhaqaale badan ka helaan dad Somalia iyo Kenyan ah waxaana uu xusay in go’aanka dawlada Somalia uu yahay mid dhibaato dhaqaale abuuri kara.

Dawlada Somalia inkastoo aysan shaacin sababta ay u joojisay qaadka haddana aad ayaa looga dareemayaa suuqyada lagu iibiyo.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaaya warar sheegaya in go’aanka ay dowlada Somalia ku joojisay qaadka uu yahay mid salka ku haya arrimo siyaasadeed, hayeeshee aan wali la shaacin arrintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com