Cashara oo shacabka u sheegay xaqiiqda iyo sirta madasha qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Cawad Axmed Cashara oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee BKMG, ayaa si adag uga hadlay qaabka ay dowlada Somalia u baalmareyso sharciyada ku qeexan dastuurka iyo wixii laga filaayay goortii la doortay madaxda iminka heysa talada dalka.

Cashara waxa uu sheegay in qaabka ay ku shaqeyneyso DFS gabi ahaan markii dib loo raaco waxa ay yihiin nidaam aan sal iyo baar ku laheyn Dastuurka dalka, waxa uuna walaac ka muujiyay in Madaxda hogaanka u heysa dalka ay sidaani kusii wadaan shaqada inta uga harsan wakhtiga.

Isagoo u waramaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayuu sharci darro ku tilmaamay shirka Madasha Qaran wuxuuna carab dhabay inaanu meelna uga qorneyn dastuurka dalka.

Waxa uu sheegay in go’aan waliba oo kasoo baxa shirka Madasha uu yahay mid aan loo marin sharciga waxa uuna meesha ka saaray in go’aanadaasi ay yihiin kuwo wax tar u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Go’aanada ay isla qaadadhigaan Madaxda Madasha ayuu sheegay in lagu jaangooyo keliya rabitaankooda, wuxuuna walaac ka muujiyay qaabka ay Hogaamiyayaashu u hogaaminayaan Siyaasada dalka.

Waxa uu soo hadal qaaday muddo kororsiga Baarlamaanka Somalia waxa uuna cod dheer ku sheegay in muddo kororsigaasi yahay mid aan sal iyo baar ku laheyn sharciga looga shaqeeyo dalka oo ah mid sidii la doono laga yeesho.

”Dadkii waxaa jahwareeriyay Koox isku magacawday Madasha oo aan aasaaskooda iyo shaqooyinkooda meel uga oolin dastuurka dalka, waxa ay howshooda ku jaangooyan rabitaankooda waxa ayna ka weecdeen sharciyadii dalka u degsanaa”

Sidoo kale, Xildhibaan Cashar waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh uu ku eedeeyay inuu xuduuddii aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu xalaaleeyay oo uu ka dhigay mid rasmi ah, waxa uu tilmamay in dalka Kenya in dacwad xuduudda iyo badda toona in lala furaa aaney habooneyn taasina ay ka soo horjeeddo shruucda dalka oo leh shircigii badda oo qeexayay xuduudda dariska iyo qaabka loo xariiqayo labadaba.

Haddalka Cashar ayaa kusoo beegmaaya iyadoo DFS dusha looga tuuraayo eedeymo kala duwan oo salka ku haya doorashada iyo kuwa kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com