Xiisad siyaasadeed cusub: Sirta ka dambeysa joojinta khaadka.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa go’aankii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ku joojisay khaadkii ka iman jiray dalka Kenya, wixii maanta ka billowda.

Caasimada Online ayaa ogaatay in arrintan ay salka ku hayso xiisad siyaasadeed cusub oo ka dhex ooggan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Xisaddan ayaa ka dhalatay taageerada ay dowladda Kenya u fidisay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo iminka mar kale ah musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa qasriga madaxtooyada dhowaan ku qaabishay Shariif Axmed, halkaasi oo sida la sheegay ay dhaqaale xooggan iyo taageero farsamo ugu yaboohday.

Tallaabada Kenya ayaa lagu warramay inay si aad ah uga carreysiisay madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo keentay inuu khadka Telefonka kula hadlo Kenyatta. Si kastaba, wada-hadalladaas ayaa la sheegay inay guul-darro ku dhamaadeen markii Kenyatta uu si cad ugu sheegay Xasan in Kenya ay taageereyso Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Sooomaaliya oo ka carrooday go’aanka Kenya ayaa uga aargudanaya joojinta khaadka oo dhaqaale xooggan uu kasoo galo dalka Kenya.

Shariif Axmed ayaa ka mid ah musharaxiinta uu sida aadka ah isaga ilaalinayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com