Wafdi ka socda IGAD oo gaaray magaalada Jowhar + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe, gaaray wafdi uu hogaaminayey wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afeey.

Wafdigaani ayaa magaalada Jowhar u gaaray sidii ay u dardar gelin la haayeen Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo gogoshiisu taal magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiintaani ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka Gobolka Sh/Dhexe iyo qaar kamid ah Ergada ku sugan magaalada Jowhar si ay waxbadan uga ogaadan shirka.

Mas’uuliyiintaani ayaa sidoo kale kulamo xog uruurin ah la yeelan doona qaar kamid ah mas’uuliyiinta DFS ka jooga magaalada Jowhar ee halkaasi u gaaray arrimaha la xiriira shirka.

Shirka Maamulka loogu sameynayo labada Gobol ayaa in muddo ah waxaa ka taagan isfahan’waa u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo Odayaashan Dhaqanka ee ka qeyb galaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com