Daawo Sawirada Sida uu Muqdisho uga furmay Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta Madaxtooyada Somalia ka furmay shirka madasha Qaran kaasi oo lagu soo afjaraayo shirarkii horay u dhexmari jiray Hogaamiyayaasha Qaran.

Shirkaani ayaa waxaa maanta daahfuray Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud waxaana goob joog ka ahaa Ra’isul wasaaraha, Mas’uuliyiin Gobolada iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in shirkaani uu yahay mid miisaan leh, isla markaana ay Hogaamiyayaashu go’aan ka gaari doonaan Hanaanka guud ee loo mari doono doorashada dalka oo fooda nagu soo heysa.

Shirkan Madasha Qaran ayay horey Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ugu heshiiyeen in uu furmo 7 Bishan September, balse waa laga soo hormariyay waxaana lagu waday in uu shalay Furmo , laakiin dib u dhac ayaa ku yimid oo maanta ayuu furmay.

Shirkan ayaa inta badan waxyaabaha diirada lagu saari doono waxaa ka mid ah turxaan bixinta Golaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa, Maqaamka Magaalada Muqdisho oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran weli aysan si toos ah u cadeynin, iyadoo dalabaad kala duwan oo arintaasi ku saabsan loo jeedinaayay.
Xasan Sheekh 1

Shir 1

shir 2

shir 3