Dagaal culus oo ka dhacay G/SH/Hoose & Barakac halkaasi ka socda

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaalkaani oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu sababay barakac lixaad leh kadib markii Dagaal beeleed uu ka qarxay Xaafado ka mid ah Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in weli uu ka socdo xaafadahaasi kaasi oo leysu adeegsanaayo Hubka fudud iyo kuwa culus iyadoo warar hordhac ah ay sheegayaan in dagaalka ay ku naf waayen ku dhawaad Afar ruux, halka dhaawacuna uu cagacageynaayo lix ruux.

Xaafadaha uu dagaalka ka socdo ayaan ka fogeyn degmada, kaasi oo qalqal galshay xasiloonidii ka jirtay Degmada Marka, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagnaa qeybo ka mid ah Xarunta Gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu khaarijiyay mid kamid ah shaqsiyaadkii hogaaminaayay garabyada uu dagaalka u dhexeeyo kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Nuur.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in maleeshiyaadka uu dagaalka u dhexeeyo ay gubeen Ceelbiyood halkaasi ku yaalla.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada iyo kan Koonfur Galbeed ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com