Beesha Habar-Gidir oo Xasan la dheeleysa qorsho cusub (XOG).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulamada is dabajooga ah oo magaalada Muqdisho uga socda Beesha Habar gidir oo si aad ah kaga soo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud.

Kulamada Beesha ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sida looga taqlusin lahaa Siyaasada Xassan Sheekh uu ku doonaayo in mar kale uu ka taliyo dalka.

Beesha Habar gidir ayaa inta ay kulamada socdaan isla meel dhigay in la sameeyo keliya hal musharax oo aan laheyn mid labaad, waxa ayna taasi ku sheegen mid ay uga gaashaman karaan in mar kale uu soo laabto Xassan Sheekh.

Indhagaradka Beesha ayaa sheegay in Xassan Sheekh ay uga guuleysan karaan keliya inay la imaadaan hal musharax oo isaga un ay taageeran si ay u siiyaan dhammaan codadka uu muteysto.

Qorshaha ay Beesha ku dooneyso inay ku sharaxato hal shaqsi ayaa waxaan wali jirin mowqif ama go’aan mideysan oo ay ka gaaren, waxaana jiro warar sheegaya in loo sameeyay xubno ka shaqeeya mideynta musharaxiinta beesha.

Madaxweyne Xassan ayaa ku eedeysan inuu ka gaabiyay kaalinta ay Beesha Habar gidir ku laheyd Siyaasada dalka waxa ayna taasi sara qaaday kacdoonka Beesha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mar waliba suuragal ah in Xassan Sheekh uu kala geeyo Beesha isaga oo ku kala dili kara xilal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com