Xog: Cabdikariim Guuleed loola cararay Isbital dalka dibadiisa ah

Mumbai (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada maamulka Galmudug, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Guuleed loola cararay caafimaad dalka dibadiisa ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed iminka la jiifiyay cisbitaal ku yaalla dalka India sida aan xogta ku helnay.

C/kariin Guuleed ayaa la sheegay in maalmihii ugu danbeysay uu ahaa shaqsi xanuunsan. balse markii danbe looga maarmi waayay in loo qaado cisbitaalada dibadda.

Guuleed ayaa la sheegay inuu ka xanuunsan yahay wadnaha, waxaana rajo laga muujinayaa xaaladiisa Caafimaad.

Guuleed ayaa halkaasi ku sugnaan doona inta uu ka bogsado waxa ayna xogta sheegeysaa in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid dhex dhexaad ah.

Dhanka kale, maamulka Galmudug ayaan si rasmi ah u sheegin xanuunka kusoo booday Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, waxaana taasi sabab looga dhigay inaan amar loo qabin in faahfaahin laga bixiyo xaalada adag ee lasoo daristay Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com