Erdogan oo arrin xasaasi ah ka dalbaday dowladda Mareykanka

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dowlada Maraykanka ugu baaqay inay usoo gacan galiso Sheekha Turkiga mucaaradka ku ah ee lagu magacaabo Fethullah Gulen, kaasi oo lagu eedeeyay inuu hagaayay Inqilaabkii dhicisoobay.

Erdogaan waxa uu dhigiisa dalka Mareykanka ka dalbaday inuu ilaaliyo xiriirka diblumaasiyadeed islamarkaana uu gacanta dowlada Turkiga soo galsho Fethullah Gulen.

Erdogaan dhigiisa Mareykanka ayuu u sheegay in Fethullah Gulen uu ahaa gadhar qabihii Turkiga u maleegay Afganbiga waxa uuna sheegay in sii heysashada Fethullah Gulen ay wax badan u dhimi karto xiriirka labada dal.

“Mareykanka waxaan ka dalbaneynaa inay noo soo gacan galshaan Fethullah Gulen, waayo waxa uu ahaa maskaxdii ka danbeysay inqilaabka”.

Sidoo kale, Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay in Edogan ay iyana ka dalbatay inay la imaadan xaqiiqo cadeyn karta in Fethullah Gulen uu ahaa maskaxdii ka danbeysay Inqilaabka waxa ayna dowlada Mareykanka tilmaantay inay aaminsan tahay in Fethullah Gulen uusan ku lug laheyn Inqilaabka.

Dhanka kale, waxaa socda wada hadal labada dal si go’aan mideysan looga qaato tuhmanaha lagu magacaabo Fethullah Gulen kaasi oo ku nool dalka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com