Xog: Arrimihi fashiliyey afgambigi Turkiga iyo xeeladdii ERDOGAN

Ankara (Caasimada Online) – Way yarayd wax calaamad ah oo muujinayay madaxwayne Rajab Dayib Erdogan markii dadkii afgambiga soo abaabulay ay u muuqdeen kuwo la wareegay goobaha muhiimka ah ee magaalooyinka Ankara iyo Istanbul.

Sidoo kale raad badan lagama haynin madaxwaynaha markii qabanqaabiyeyaashu ay la wareegayeen dhismeyaasha iyo xarumaha warbaahinta.

Waxay markaas u baahnaayeen in ay helaan taageerada shacabka iyo inta badan millatariga oo aad muhiim ugu ahayd.

Ra'iisul Wasaare Yildarim
Ra’iisul Wasaare Yildirim

Rai’sal wasaare Bin Cali Yildimir ayaa u muuqday in uu hogaaminayay dadka ka soo horjeeda afgambiga.

Laakiin sida ay og yihiin dadka Turkida ahi inta badan awooda waxaa leh madaxwaynaha isaguna uu qaabayn karo in uu sii hayo xilkiisa.

Marka haddii afgambigu sii soconayo dadka soo maleegay waxay u baahnaayeen in ay ka ilaaliyaan in uu shaashadaha ka sii maqnaado, balse way awoodi waayeen.

Markii ay arrintu kala caddaatay

Markii dambe ayuu soo muuqday isaga oo sheegaya in uu isagu yahay taliyaha ciidammada.

Saacado kaddib ma cadayn meesha uu joogo madaxwayne Erdogan.

Wararka qaar waxay sheegayeen in uu fasax nasasho u joogo Marmaris oo goob loo tamashletago ama loo dalxiistago oo ku tala bartamaha Koonfurta galbeed ee Turkiga.

Arrintuse waxay is badashay markii uu madaxwaynuhu u soo duulay garoonka Ataturk ee magaalada Istanbul halkaas oo uu ku qabtay war saxaafadeed kaga dhago adaygayo waxa dhacay.

Markii uu tagay saldhig ay ciidamadu leeyihiinna waxaa caddaatay in dawladdu ay dib u helayso gacanku hayntii waxayna heleen saraakiil sare oo dawladda taageeray.

Tu 18

Ankara oo ah meesha xarunta u ah madaxwaynaha iyo meesha ay dawladdu dagantahay wali faro kuma jirin, balse Istanbul waxaa ugu suuragashay in uu si toos ah ula hadlo dadka Turkida ah.

Saxafiyiinta ayuuna u sheegay in wixii dhacay ay khayaanno tahay.

Ilnur Cevik oo la taliye sare u ah madaxtooyada ayaa sheegay BBC-da u sheegay in laga guulaystay kuwii afgambiga qorsheeyay.

Way cadayd in uu jiray isku day afgambi laakiin wax kaste si dhakhso ah ayay dhanka dawladdu ugu janjeersadeen.

Erdogan ayaana dadka waydiistay in ay u soo baxaan jidadka Ankara iyo Istanbul sidaas ayayna yeeleen.

Dadka Turkida ah ayay ahaayeen kuwii millatariga dib ugala wareegay garoonka diyaaradaha ee Ataturk, dadka ayaana millatariga ka soo celiyay Telefeshinka iyo idaacadda qaranka.

Maamulidda fariinta

Xaqiiqadu waxay tahay ciidammada ayaa la wareegay xarumaha warbaahinta qaranka ee TRT, waxayna hor istaageen in shacabku ka qabsadaa, dadkii hogaaminayay afduubkana waxay sii wadeen in ay fariimahooda baahiyaan.

shacabka

Waxay sheegeen in gudi ammaan ay la wareegeen taladii dalka.

Warbaahinta CNN Turk ayaa la damiyay kaddib markii ciidanku galay, baraha bulshada ayaana la hakiyay.

Laakiin maamulidii warbaahinta ma aysan sii waarin, xataa inta uusan gaarin garoonka diyaaradaha ee Ataturk wuxuu la soo xiriiray CNN Turk wuxuuna dadka Turkida ah ugu baaqay in ay wadooyinka u soo baxaan isaga oo muuqaal ahaan fariintaas u gudbinaya.

Madaxwaynhu nasiib ayuu lahaa, wuxuu sheegay in bambo lala dhacay huteelkii uu dagaana markii uu ka soo tagay kaddib lana qabsaday xoghayihiisii guud.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com