Daawo sawirada iyo magacayada saraakiishii Inqilaabka Turkiga

Ankara (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa si rasmi ah u shaacisay Liiska magacyada Saraakiishii gudaha ankara ka dhex hageysay Afganbigii dhicisoobay.

Dowlada Turkiga oo ku dhaqaaqday baaritaano degdeg ah ayaa waxaa u suuragashay inay hesho magacyada Saraakiisha kuwaasi oo xilal waaweyn ka hayay Milliteriga dalkaasi.

Saraakiisha Afganbigaasi ku lug lahaa ayaa waxa ay ahaayen kuwa ugu sareeya dalka, hayeeshee waxa ay qaar waayen xilkooda, halka qaarna ay saaxiib u noqdeen xabsiga.

Saraakiisha lasoo bandhigay ee hageysay Afganbinta ayaa waxaa la sheegay inay ahaayen 14 kuwaasi oo ku nool gudaha magaalada Ankara iyo Istanbuul, halka agaasimaha guudna uu ku noolyahay dalka Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa xilkii laga eryay 5 janan iyo 29 kornayl oo lagu eedeeynayo inay xiriir la leeyihiin wadaadka masaafuriska ugu maqan dalka Mareykanka.
Turkiga