Beesha Hawiye oo shir ka dhan ah Xasan ku qabaneysa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir weyn oo ay soo abaabuleen, waxgarad iyo qeybaha bulshada beelaha Hawiye ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho iyadoo looga hadlayo xaaladda dalka iyo wixii laga dhaxlay dowladda waqtigeedu dhammaanayo ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay odayaasha beelaha Hawiye ee dhaqanka qaarkood waxaana diirrada lagu saarayaa waxqabadka Xasan Sheekh iyo dhibaatooyinka uu maamulkiisu u soo jiiday Beesha Hawiye oo ay ugu horeyso maqaamka Muqdisho ee uu muranka geliyay.

Waxaa shirka lagu casuumay qeybaha bulshada, waxayna wararku sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si weyn uga hor yimid qabashada shirkan, inkastoo aan la ogeyn inuu awood u adeegsan doono si loo baajiyo iyo in kale.

Waxaa shirka abaabulkiisa leh Guddoomiyaha dhaqanka Beesha H/Gidir Abuukar Sheekh Cusmaan (Ganey) iyo Boqor C/llaahi Geedi Shadoor oo beesha Abgaal u dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com