Odayaasha Hiiraan oo madaxa isla galay iyo shirkii oo fashilmay

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shir u dhexeeyay Odayaasha Beesha Xawaadle iyo Odayaasha kale ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan qeybta ka gadoodsan shirka ka socda magaalada Jowhar.

Wararku waxa ay sheegayaan in Odayaasha labada dhinac ay isku qabteen qodobo dhowr ah oo ay soo bandhigeen xubnaha IGAD ee dhawaan gaaray magaalada Beledweyne.

Odayaasha Beesha Xawaadle ayaa shirka socday ka sheegay inaanu diyaar u aheyn inay qaatan siyaasada cusub oo ay la dheelayaan xubnaha IGAD ee uu hogaaminaayo Afey, waxa ayna sidoo kale Odayaasha beelaha kale ka dalbadeen inay soo raacaan.

Odayaasha Xawaadle ayaa sabab uga dhigay diidmadooda in qorshaha uu yahay mid lagu doonaayo in marka hore Beelaha Hiiraan loo sameeyo ballanqaadyo kadibna wakhti danbe looga baxo, sidaa aawgeed ayay sheegen inaanu qaadan doonin ballanqaadyada kaga imaanaya dhanka DFS iyo IGAD.

Odayaasha kasoo jeeda Beelaha kale ee dega Gobolka Hiiraan ayaa iyaguna khilaafay talada odayaasha Beesha Xawaadle waxa ayna sheegen inaanu jirin sabab ay intaa ka badan ku diidaan shuruudaha ay usoo bandhigtay DFS iyo IGAD, waxa ayna sheegen inay ka wardoonayaan ballamahaasi.

Odayaasha beelaha kale ee dega Gobolka Hiiraan waxa ay sidoo kale ku wargaliyeen odayaasha Hiiraan in loo baahan yahay in lala imaado isbedel, sidaa aawgeedna aysan diyaar u noqon karin in hal qodob ay ku dhegnaadan.

Odayaasha Beelaha kale waxa ay kasoo horjeesteen qodobka ah in labo Gobol loo qeybiyo Gobolka Hiiraan, qodobkaasoo ay wataan Odayaasha Hiiraan.

Dhanka kale, waxaa iminka soo baxaaya warar sheegaya in Odayaasha Hiiraan mar kale leysku keenay si ay uga wada tashtaan waxa ay la hortagi lahaayen IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com