Xog + Sawirro: Qorshaha Jawaari ee socdaalkiisa Johannesburg

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Johannesburg ee dalka South Africa gaaray Guddoomiyaha Baarlamaaka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaayay Xubno aan sidaa u badneyn oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia, waxa uuna sheegay in safarkiisa uu yahay mid aan sidaa usii buurneyn.

Jawaari oo la hadlaayay Saxaafada ayaa sheegay in safarkiisa uu yahay mid caadi ah oo aan la xiriirin shaqo dowladeed, waxa uuna ka gaabsaday inuu sheegay danta gaarka ah ee aan la xiriirin arrimaha dowlada ee kasoo gashay dalka South Africa.

Jawaari waxa uu sheegay in mudada uu joogo magaalada Johannesburg uu kulamo la qaadan doono madaxda Koonfur Afrika isaga oo sheegay inuu kala hadli doono dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida.

“Dabcan Booqashadeydu waa mid gaaban,Waxaan la kulmi doona jaaliyadda iyo mas’uuliyiinta dalkan qaarkood,”

Warar hoose ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka Jawaari uu yahay mid salka ku haya ololaha Madaxweyne Xassan Sheekh, waxa uuna Jawaari ku baxay amar kaga imaaday dhanka Madaxweyne Xassan Sheekh.

Jawaari ayaa kaalinta koowaad kaga jira mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada ee ololaha ugu jira dib usoo laabashada Xassan Sheekh.

Safarka Guddoomiye Jawaari ayaa ku soo aaday xilli toddobadkii hore boob loo geystay xarumo ganacsi oo ay Koonfur Afrika ku leeyihiin ganacsato Soomaali ah.

Jawaari 1

Jawaari 2

Jawaari 3

Jawaari 4

Jawaari 5