Arrin soo baxday oo keentay in garoonka diyaaradaha Muqdisho..

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in lalaba jibaaray adkeynta amaanka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha gacanta ku heysa Howlaha Garoonka ayaa warbaahinta u sheegay inaanu jirin habacsanaan dhanka amaanka ah, waxa ayna farta ku godeen in maamulka Garoonka uu si cad u mamnuucay in gudaha Garoonka lala galo Hub aan aheyn kan ay heystaan ilaalada Garoonka.

Saraakiisha ayaa sheegtay in marka Safar uu noqdo ay wada siman yihiin Madaxda dalka iyo dadka shacabka ah waxa ayna sheegen in amniga Garoonka uu yahay mid leysku haleyn karo oo aan laheyn wax cabsi ah.

Waxa ay sidoo kale sheegen in Garoonka aan loo ogoleyn Hubka ay wataan Madaxda Dowlada kuwooda safarka ah iyo kuwa booqashada u yimaada Garoonka.

Ciidamada ayey sheegen in lagu soo reebo banaanka sare ee Garoonka si loo qiimeeyo xaalada amni ee Garoonka, waxa ayna sidoo kale faramuuqen inay adag tahay in amniga wax laga qabto iyadoo ay ciidamada Hubka lasoo galayaan Garoonka.

Garoonka ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay kasoo dagaayay mas’uuliyiin heer caalami ah oo u socda adkeynta xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Dowlada Somalia.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa hada amnigiisa gacanta ku haya ciidamada Boliiska, kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Geesta kale, Somalia ayaa waxa ay ku jirtaa xiliga doorashada waxaana xiliyadaani Garoonka Aadan Cadde si joogta ah uga soo dega diyaarado sida Guddiyo ee reer Galbeedka iyo dowladaha Afrikaanka u xilsaarteen la socodka hanaanka ay dowlada Somalia u diyaarineyso doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com