Gaari waxyaabaha qarxa sida oo Muqdisho lagu qabtay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa wadada shaqaalaha ku qabtay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa kaas oo la doonayay in lagu weeraro Hotel Maka Al-mukarama.

Ciidamada Hay’ada NISA ayaa gacanta ku dhigay Gaariga laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa iyo sidoo kale ninkii waday Gaariga.

Ninka la qabtay ayaa sheegay in uu doonayay in uu isku Qarxiyo Hotel Maka Al-mukarama mar ay su’aalo weydiiyeen ciidanka NISA.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ninka gacanta lagu hayo, sidoo kalena ay hada su’aalo weydiinayaan ciidanka NISA.

Hotelka Maka Al-mukarama ee la doonayay in weerarkan laga geysto ayaa waxaa hada ka socda shir ay yeelanayaan Odayaal dhaqameed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com