Sawir muujinaya habka loo soo xulayo xildhibaannada cuusb

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu cabirayaa qaabka ay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed kusoo xulayaan Xildhibaanada kamid noqon doona Baarlamaanka cusub.

Sida Sawirka ka muuqata odayaasha ayaa Xildhibaanada kusoo xulaaya dheef si ay wakhtiga diiwaan galinta ay uga qaadan dufan, halka xiliga uu shaqa bilaabana ay ka qaadayaan dhaqaale kale.

Xildhibaanada cusub ayaa waxaa hortaal su’aal ah waxa ay odayaasha u qabanayaan haddii loo xusho shaqsiga Beeshooda u matalaaya Baarlamaanka.

Xildhibaanada cusub ayaa iyaguna ballanqaad ka dhigaaya inay bixin doonaan dhaqaalaha kasoo xarooda Mooshinada iyo dhaadhaca laga helo Xubnaha Golaha Wasiifada.

Su’aashu waxa ay tahay muxuu masiirka umadda Soomaaliyeed noqon karaa marba haddii Xildhibaanada lagu soo xulaayo heshiis dheef iyo dufan ay daba socto.
xildhi copy (1)