Goodax oo ka hadlay arrin cusub oo la xiriirta maamulka H&SH

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, ayaa aad u dhaliilay qaabka ay dowlada Federaalka ah ee Somalia u daadihineyso Siyaasada Somalia.

Goodax ayaa sheegay inaanu jirin mas’uuliyad ay muujineyso dowlada Federaalka waxa uuna sheegay in walaac xoogan uu ka muujinaayo qaabka ay u socdaan howlaha doorasho iyo dhismaha maamulka cusub ee Gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.

Goodax waxa uu sheegay in qaabab khaldan Siyaasada looga maareeyo magaalada Xamar, waxa uuna tilmaamay in magaalada Beledweyne ay joogaan duubab looga danbeeyo howlaha hormarineed.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in Siyaasada Xamar ay ka maqan tahay kala danbeynta iyo wada shaqeyn sidaa aawgeed duubabka Hiiraan aysan ugu raali noqon karin siyaasada ay wado dowlada Somalia ee ku aadan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

“Dadka ku dhaqan Hiiraan waxa ay wax ku leeyihiin waxa wadanka ka socda, balse duubabka iyo shacabka Hiiraan ma aqbali karaan in lagu dirqiyo siyaasad aan u cuntameynin qof waliba waxaa mas’uuliyad ka saaran wixii isaga u dawo ah”.

“Ma dhahaayo dalka dhibaato haloo horseedo balse waxaan kasoo horjeednaa inaan qaadano siyaasad aan u cuntameynin dadkayaga ku nool gobolka Hiiraan waxaa khasab ah inaan helno wixii aan xaqa u leenahay”.

Goodax waxa uu tilmaamay in reer Hiiraan aysan kasoo horjeedin midnimada iyo maamul wadaaga balse ay diidan yihiin inay qaataan siyaasad sandulo ah oo wakhti danbe keeni karta shalaay.

Haddalka Goodax ayaa kusoo beegmaaya iyadoo magaalada Beledweyne ay ka socdaan shirar loogu gol leeyahay masiirka shacabka reer Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com