Sawirro: Sida uu dhaawaca usoo gaaray Taliyaha Afar-irdoodka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer xumaan ah gaartay jir dilkii loo geystay Taliyaha Saldhiga Afar-irdoodka Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir C/qaadir Axmed shire ”Matooto”.

Taliyaha ayaa waxaa jir dil xoogan u geystay Ilaalada gaarka ah ee Taliyaha ciidamada Milliteriga Somalia kaasi oo ka dhacay agagaarka madaxtooyada gaar ahaan SYL.

Dacwada jir dilka Taliye C/qaadir ayaa waxa ay iminka gaartay Taliska guud ee ciidamada Milliteriga waxa ayna arrintu xumaatay kadib markii la jir dilay Taliyaha oo ku labisan Dareeska ciidanka iyo Darajadiisa kuna howlanaa howlgal lagu baaraayay gaadiidka isticmaala wadada hormarta Madaxtooyada.

Dacwada Jir dilka Taliyaha ayaa waxaa jawaabteeda iminka laga sugayaa Taliska Milliteriga waxa uuna Taliyaha dhaawaca ugu xoogan kasoo gaaray Madaxa iyo feeraha.

Dowlada Somalia ayaa waxa ay inta badan Hubka u dhiibtaa Maleeshiyaad dalacay oo qaab qabiil lagu soo galshay ciidanimada, waana tan sababta u ah in Somalia aysan cagta dhigin dhabihii nabadda.
1

2

3