Wafdi IGAD u badan oo laba arrin u gaaray gobolka Bakool

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Ceel-Barde ee gobolka Bakool, gaaray Wafdi laba dhinac ka kooban oo isugu jira Wasiiro iyo xubno ka socda IGAD kuwaaso oo xal u raadinaaya khilaafka ka dhextaagan maamulka Koonfur Galbeed iyo maamulka lagu magacaabo Bakool Sare oo dhawaan looga dhawaaqay degmada Ceel-barde.

Wafdigaani oo u badan Xubno kasoo jeeda Beesha Ogaadeen ayaa waxa ay wada hadal la furayaan shaqsiyaadka kasoo jeeda Beeshaasi ee sheegtay inay la go’een deegaanada Yeed iyo Aato oo hoostaga Gobolka.

Wafdigaani ayaa waxaa dhanka dowlada ka hogaaminaaya Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal, halka dhanka IGAD uu ka hogaaminaayo Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Maxamed Jaamac Mursal, ayaa sheegay in socdaalkooda uu noqon doono mid leysugu soo dhaweeyo maamulada Koonfur Galbeed iyo kan dhawaan looga dhawaaqay Gobolka Bakool ee loogu magacdaray Bakool Sare.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Afeey ayaa isna sheegay in wakhti badan ay ku lumin doonaan xal u helida khilaafka labada dhinac waxa uuna rajo ka muujiyay qaabka ay wada hadalka u furayaan.

Arrinta labaad ee Wafdigaasi uu u gaaray Gobolkaasi ayaa ah inay kala qaadan laba maleeshiyo oo Gobolka isku horfadhiya kuwaasi oo laga cabsi qabo in fooda ay isdaraan.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan siyaasiyiin kasoo jeeda dhanka Jubbaland ay ku dhawaaqen in Koonfur Galbeed ay kala baxeen gobolka Bakool oo la sheegay in kala bar uu deegaan u yahay dad kasoo jeeda Beesha Ogaaden iyo beelo kale oo dega dhanka Gobollada Jubbooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com