Beesha H/Gidir oo aan weli ku qancin Siyaasada uu dheelaayo Xassan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)-Beesha Habar gidir ayaa weli dood ka qabta Siyaasada uu dheelaayo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Xubno ka tirsan Beesha ayaa sheegay in cararooda ay wali tahay mid halkeeda taagan, waxa ayna xaqiijiyeen in Xassan Sheekh uu ku tuntay xuquuqda Beesha Habar gidir.

Waxa ay sheegen inaanu ku qanacsaneyn keliya Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dhawaan loo magacaabay Taliyihii hore ee Nabadsugida ugu magacawnaa Gobolka Banaadir Koofi.

Xubnaha Beesha waxa ay tilmaamen in Madaxweynaha Somalia uu xili hore meel uga dhacay Beesha sidaa aawgeedna uusan mudneyn in lala shaqeeyo inta uu kasoo saxaayo khaladaadkiisa muuqda, sida ay hadalka u dhigeen.

Xasan Sheekh oo isku dayaya inuu iska qanciyo beeshaan ayaa wuxuu u magacaabay Taliyaha Hay’dda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, waxaana haatan muuqata wali inaysan ku qanacsanayn beeshaan qorshahaas uu keenay Madaxweynaha.

Xubno ka socda Beesha oo kulan hordhac ah la qaatay Xassan Sheekh, ayaa sheegay in Madaxweynaha ay u cadeeyen mowqifkooda, waxa ayna ku wargaliyeen in wada shaqeyntooda ay ka maqan tahay xuquuqdooda.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in mar kale uu jawaab ka baxsho dooda ay wadaan odayaasha Beesha Habar gidir.

Caasimada Online
Xafiiska MUqdisho
Caasimada@live.com