Turkiga oo ka hadlay Baasaboorka Somaliland, Eryidii Nile & Isbitaalka Deva

Muqdisho (Caasimada Online)-Safiirka dowlada Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta safaarada ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ugu horeeyaan isku daygii afgambi ee ka dhacay dalka Turkiga.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Beker, ayaa uga mahadceliyay dowlada Soomaaliya qaabkii ay kaga fal celisay iskudagygii afgambi ee dhicisoobay iyo go’aanadii ay ka qaateen shirkada Nile Academy.

Safiirka ayaa sheegay in dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay ka shaqeynayaan sidii loosii wadi lahaa howlaha ay qaban jireen Nile Academy iyo isbitaalada ay ka fureen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Anaga iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka wada shaqeyneyna sidii howlaha u sii socon lahaayeen, gaar ahaan Isbitaaladii iyo Iskuuladii ay gacanta ku heysayna anaga la wareegi doono, waxaa u sheegayaa Ardaydii dhiganeysay Iskuulada in waxbarashadooda inay dib u bilaaban doonto, bisha soo socota ee Agosto dib loo furi doono”ayuu yiri Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Dhinaca kale safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mr Bekar ayaa ka hadlay aqoonsiga baasaboorka Somaliland oo maalmahaan la hadal hayay iyo wadahadalada u socdo dowlada Turkiga iyo maamulka Somaliland oo ku aadan in hayada Nile Academy laga eryaa deegaanada Somaliland.

“Ma aqbalin Baasaboorkooda, mana aqoonsan wax xiriir ah lama lahan arrintaas, sida la socotaan waxaa wadnaa Heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland, anaga Soomaaliya hal waji ayaa ku fiirinaa, waxaa ka shaqeyneynaa Soomaaliya inay wanaagsanaato oo ay mid ahaato, Somaliland dadka ku nool iyo Soomaaliya dadka ku nool waxay noola mid yihiin hal, waxaa rabnaa inay noqdaan hal dal oo xooggan”ayuu yiri Danjire Olgan Bekar.

Sidoo kale safiirka ayaa sheegay iney ka shaqeynayaan sidii dib waxbarashadooda ugu heli lahaayeen ardayii Soomaaliyeed ee kusugan dalka Turkiga ee laga eryay goobaha ay wax ka baranayeen.

DSC_0870

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com