DF oo Shaacisay Shir Tallaadada Muqdisho ka furmay & Madaxa Madasha oo..

Muqdisho (Caasimada Online)- Xukuumada Somalia ayaa ka hadashay qaabka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonta dabayaaqada sanadkaani aan ku jirno.

Xukuumadu waxa ay sheegtay in arrimaha doorashooyinka looga danbeyn doono Guddiga Doorashooyinka, waxa ayna sheegtay in diyaarinta dhammaan howlahaasi lay mas’uul ka noqon doonaan xubnaha guddiga.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah Wasiirka Warfaafinta Somalia, ayaa sheegay in heshiiska uu yahay in Guddiga Doorashooyinka ay keeni doonaan qorshahaasi la xiriira doorashada.

Waxa uu sheegay in qorshaha doorashooyinka uu yahay mid diyaarsan oo aan u baahneyn in wakhtigaani laga doodo, sidaa aawgeedna ay mudan tahay in arrimahaasi looga danbeeyo Guddiga.

Waxa uu Maareeye intaa ku daray in Guddiga aysan qaadan karin go’aan waliba oo ay maskaxdooda ka maagan, balse ay Xukuumada Somalia iyo Hay’adaha qaar ay lawadaagi doonaan wixii qorsha ah oo ay dajiyeen.

Maareeye wuxuu sheegay in Guddiga Doorashooyinka lagu ballamay inay soo bandhigaan qorshaha ugu dambeeya ee Doorashooyinka, kaasi oo lagu soo bandhigi doono Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Bilowga Bisha August ka dhici doono Muqdisho.

Bilowga August ayeey shir isugu imaan doonaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, shirkaasi oo looga hadli doono arimaha ku aadan Doorashooyinka.

Shirka ayuu sheegay inuu dhacaayo 2-da ilaa 4-ta bisha August, waana shir warbixin looga dhagaysan doonaa guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo sheegaya qorshaha ugu dambeeya ee Doorashooyinka.

Ma uusan sheegin waxa uu qorshaha ka koobnaan doono, balse waxa uu carab dhabay inuu ku saleysnaan doono keliya arrimaha doorashooyinka Qaran.

Docda kale, tani waxa ay muujineysaa diyaargarow badan oo Dowladda Somaliya ay ugu jirto arimaha ku aadan Doorashooyinka la filaayo inay dalka ka dhacaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com