Beesha Karanle Hawiye oo u digtay Madaxda Dowladda Somalia.

Beesha Karanle Hawiye, ayaa digniin ku siisay madaxda Dowladda Somalia in golaha wasiirada xukuumadda cusub aan laga yareyn 18 wasiir.

Malamihii ugu dambeeyay ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayeen in wasiirada cusub lagu koobi doono kaliya 9 wasiir, waxaana taas ka hor yimid dad badan, ayada oo beelo badan aysan heli doonin wasiiro.

Kullan ay maanta ku yeesheen hotelka Safari ee magaalada Muqdisho, ayaa xubnaha beesha waxa ay sheegeen in 9 wasiir ay tahay wax aan la aqbali karin, marka loo eego beelaha Soomaalida ee doonaya inay xukuumadda ka mid noqdaan.

Xubnihii ka qeyb galay kullankaasi, ayaa waxaa ka mid ahaa odayaal ay ku jiraan Suldan Xasan Madoobe, Iimaan Jimcaale iyo Sugule Axmed, oo ugu baaqay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay ka firsadaan oo aysan ku deg degin tirada golaha wasiirada.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqeen xildhibaanada baarlamanka inaysan ansixin xukuumad ka kooban 9 wasiir.

Warar shalay soo baxay oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa sheegaya in beesha Karanle (Murusade), aysan wax wasiir ah ka heli doonin haddii golaha wasirada lagu koobo 9, ayada oo labada wasiir ee beelaha Hawiye ay qaadan doonaan Habargidir iyo Xawaadle.

W/Q: Cabdi Weli Maxamed Ilka Case
Muqdisho, Somalia Tell: 8885943