Beesha Leylkase oo eedeyn culus u jeedisay Puntland iyo xiisad ka taagan Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Kadib markii dagaal culus uu xalay iyo saakaba waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dhex maray ciidamada ammaanka Puntland iyo koox la sheegay inay ka ganacsanayeen maan-dooriyaha ayaa waxaa si adag dagaalkaas uga hadlay odyaasha mid ka mid ah beelaha dega deegaanada Puntland.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Leylakase oo shir jaraa’id ku qabtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in iska hor-imaadka ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo uu ahaa mid lagu beegsaday dad rayid ah oo beeshooda ka soo jeeda, isla markaana dadka ku dhintay ay u badnaayeen culumo.

“Waxaan hor taaganahay dadkeenii dhibaatadu gaartay, si aan u dhowrno danda dadka reer Mudug, waxaana nahay beesha Leylakase waxaan u sheegeynaa maamulka Puntland iyo cid kasta oo daneyneysa nabada in falkii xalay ka dhacay Gaalkacyo uu ahaa mid ka duwan sida loo sheegay” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah waxgaradkii warbahinta la hadlay.

“Xaafada Garsoor ciidamo Puntland ka tirsanbaa weerar ku soo qaaday dadkii deganaa oo dhan mandooriye ayaa lagu magacaabay, waxaana lagu burburiyey guryihii iyo dadkii deganaa halkaas, markaasbaa la leeyahay maandooriye ayaa laga hor tegay, sida loo dhigay maahane waa sidaan u sheegeyno” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale waxay beeniyeen in kooxo Khamriga ka ganacsada ay ku jireen xaafadda la weeraray, iyagoo xusay in dadka iska hor-imaadkii xalay ku dhintay ay ahaayeen culimo iyo aqoon-yahanno xaafadda deganaa.

Xunahan ayaa dowlad goboleedka Puntland ka dalbaday in jawaab iyo raali gelin deg deg ah ay ka bixiso dhibkii loo geystay dadkooda, sida ay hadalka u dhegeen.

Sidoo kale waxay carabka ku adkeeyeen inay nabadda ka shaqeynayaan oo aysan dooneyn in dhib dambe ka dhaco magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaanba gobolka Mudug.

Hoos ka Daawo