Nuxurka qodobbadii ugu muhiimsanaa ee lagu soo qaaday shirka Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa goordhow la soo gabagabeeyey wejiga hore ee shirka dowlad goboleedyada uga socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug iyada oo ay ka hadleen dhammaan madaxweyneyaasha, waxaana idin soo gudbineynaa nuxurka qodobadii ay soo hadal qaadeen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo martigeliyey shirka dowlad goboleedyada oo furay shirka ayaa magadcelin u jeediyey inta ka soo qeybgashay iyo inta gacan ka geysatay isaga oo intaa raaciyey inuu yahay mid wadatashi ah, una mahadceliyey Soomaalida iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in shirkan uu yahay wadatashi, oo xoogga lagu saarayo dib u dhiska dalka

Waxaa uu madaxweynaha Galmudug uga mahadceliyey soo dhowynta isaga oo sheegay “Dad la dhisay ayaa jooga oo awood u yeeshay in maareeyaan arrimaha muhiimka ah”.

Shirka waxaa uu ka yiri “Waxaa sheegayaa sida aan raalli uga nahay ka soo qeyb galka, oo iney ka soo baxaan wax shacabka raali ka yihiin”.

Mar uu ka hadlayey federaalka ah waxaa uu yiri “Ferdaal ma aha wax dadka kala geynaya, ama horumarkiisa, waa shaqada oo la kala qeybsaday, kala qeysanaan waa wax is kabaya.

Madaxweyne Deni waxaa uu leeyahay weyn fiicneyd doorasho qof iyo cod ah isaga oo intaa raaciyey “Wixii aan ka badi weyno aan qabsanno, aanna iimaansanno”.

Waxaa uu kusoo gabagabeeyey inuu shirka noqdo mid taariikhi ah, isaga oo sheegay in shirkan uu yahay shaqo loo qabanayo dowladda federaalka ah.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasis Laftagareen oo ka hadlay furintaanka shirka ayaa mahadcelin ka sokow waxaa uu sheegay in shirka looga hadlayo arrimaha amni, siyaasad, dhaqaale, doorasho,iyo midkii marxaladda kala guurka looga gudbi lahaa, oo ah wax ku xiran mustaqbalka umadda Soomaaliyeed.

Dhanka doorashada waxaa uu sheegay in Soomaalida oo dhan heshiis ku tahay in waqtiga doorashada marka la gaaro ay waqtigeeda dhacdo, isaga oo soojeediyey in laga wada shaqeeyo.

Ujeedka shirka waxaa uu ku sheegay iney tahay wada shaqeynta dowlad goboleedyada isaga oo intaa raaciyey in sidaasi loo baahanyahay in dowladda federaalka ah lala yeesho wada shaqeyn, isku xirnaan iyo wada shaqeyn iney jirto.

Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in guddiga doorashada dhismihiisa iyo kahorba laga hadlayey qof iyo doorasho, haddii la gaari waayo aan loo fariisan-doonin, oo horay loo socda.

Shirkan ayuu ku sheegay ineysan aheyn kuwa qaadanaya kaalinta aan tooda aheyn ee dowladda federaalka ah, isaga oo soojeediyey iney ka soo baxaan arrimo  saameyn ku yeelan-doonna, dalka oo dhan horumar iyo guul gaarsiin kareyso.

Ugu dameyntii waxaa uu kusoo gabagabeeyey inuu soo dhoweynayo wax walba oo dalka isku heynaya iyo xisiloonida iyo in shirka uu dhali-doonno, oo ay soo wada saaraan federaalka iyo dowlad goboleedyadaba wax dalka wax u tari-doonna.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo isna goobta ka hadlay dastuurka isaga oo sheegay inuu yahay shey ka dhashay colaadda  iyo kala shakiga dalka ka dhacday isaga oo intaa raaciyey in ay tahay in il naxariis ah, niyo wanaag ah lagu fiiryo, oo il hooyo lagu fiiriyo oo aan il eeddo lagu fiirin.

Waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay iney taageero la duljoogto waxa lagu heshiiyo, waxaa uu taageeray in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.