Beesha madaxweyne Xasan oo laba u kala jabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Odayaasha, Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha Weceysle ayaa waxa ay ku taagyereen Shirka Maamul usameynta G/dhexe ee Somaliya ee ka socda Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Odayaasha ayaa beeniyay hadal kasoo yeeray dad Beeshani u dhashay kaa oo ay ku shegeen in aysan ku qanacsaneyn Gudiga Farsamada ayna ka fiirsanayaan kamid ahaanshaha Shirkani, waxaana Odayaasha ay ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin arintaasi.

Waxa ay sidoo kale xuseen in ay ku qanacsanyihiin Xubnaha Ugu jira Ergooyinka lasoo xulay ayna arintaasi uga danbeeyaan Nabadoonka Beesha Waceysle Caaqil Maxamed Cismaan Shido.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen cidii ka tirsan Beesha ee cabasho qabta in wadahadal diyaar u noqdaan lkn aan loo baahneyn Xiligan in Maamul Shacabka Gobolada Dhexe ku mideysanyihiin laga horyimaado taasi oo ay ku tilmaameen mid aan u adegeen danta guud.

Beesha Weceysle ayaa kamida Beelaha qaybta ka ah dhismha Maamulka G/dhexe iyadoo Beeshani ay kamid tahay Beelaha dega Dhulka Xeebta Gobolka Galgaduud oo ay ku jirto Degmada Ceeldheer.

Toddobaad ka hor ayaa odayaal ka tirsan isla beeshan ay qaadaceen shirka, waxaana muuqata in beeshan oo uu kasoo jeedo madaxweyne Xasan Sheekh ay laba u kala jabtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com