XOG: C/Weli Gaas oo ku jira gorgorton dekedeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Siyaasi kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Puntland, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu gorgortan kula jiro Dowlada Imaaraadka Carabta.

Siyaasiga ayaa sheegay in Madaxweyne Gaas uu doonaayo in Dekada Garacad u gacan galineyso Dowlada Imaaraadka, waxa uuna sheegay in Heshiiskaasi uu C/weli Gaas u saxiixay.

Waxa uu sheegay Siyaasigaasi oo ka gaabsaday Magaciisa in wafdi hordhac ah oo ka socda Imaaraadka ay maanta soo gaari doonaan Magaalada Garoowe si ay u dhameystiraan heshiisyada dhiman, wuxuuna xusay in mudo ku dhow 20-sano heshiiskaasi loo saxiixay Imaaraadka.

Garacad ayaa Puntland ku haminaysaa in looga dhiso dakad caalami ah, islamarkaana Imaaraadka ay kula gashay heshiis qoraayo in dhowrsano ay qaadaneyso dhaqaalaha kasoo baxa, intaa kadibna lagu wareejin doono Maamulka Puntland.

Dhanka kale, qorshahaani ayaa la tilmaamayaa in xubno ka tirsan Maamulka ay is hortaageen, walow uu socdo wada hadalo hoose oo u dhexeeya C/weli Gaas iyo Xubno heer Wasiiro iyo Baarlamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com