P/L oo qaadacday guddigii ay magacowday DFS!

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegey in Puntland gabi ahaanba qaadacdey go’aankii ay golaha xukuumada dowlada federaalka ay khamiistii ku magacaabeen guddiyada garsoorka, doorashooyinka iyo xuduudda.

Ku-xigeenka Puntland ayaa sheegey in go’aankaas gabi ahaabna uu dhinac marey qodobka 111 farqadiisa labaad ee Dastuurka dowlada federaalka ah kaasoo sheegayay in guddiyadaan magacaabistooda tahay in lagala tashado maamulada ka jira dalka.

Camey ayaa sidoo kale sheegey in maamulada kale ee ka jira Somalia qataan talaabada Puntland ku qaadacdey guddigaan ay magacowdey xukuumada dowlada federaalka Somalia.

 

Halkan ka aqriso guddiyada iyo magacyadooda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com