Wasiir hore iyo xildhibaanno tagay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay tageen wafdi xildhibaano iyo wasiir hore ah.

Wafdiga waxaa  hogaaminayo C/llaahi Goodax Barre, wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo Federaalka oo kasoo jeeda gobolkaasi, waxaana magaalada kusoo dhaweeyay xubnaha maamulka gobolka.

Xubno kamid ah wafdiga maanta tagay magaalada Beledweyne ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedada wafdiga ay u tageen magaalada tahay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha maamulka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa la filayaa iney ka qeyb galaan shirarka dib u hishiisiinta ee ka soconaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sida xubnaha ay sheegeen.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee wafdiga kamid ahaa ayaa sheegay in soo dhaweyn ay kala kulmeen maamulka degmada iyo kan gobolka.

Muddada ay ku sugnaanayaan magaalada Beledweyne ayuu cadeeyay inay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada iyo waxgaradka ku shiraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com