UNHCR oo go’aan ka gaartay Soomaalida Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka hayada QM u qaabilsan Qaxootiga Antonio Guterres ayaa adkeeyay in qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya aan qasab lagu soo celin doonin, kadib wareysi uu bixiyay booqasho uu ku tagay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Isagoo la hadlayay wakaalada wararka ee Xinhua ayuu sheegay ineysan jiri doonin cid si qasab ah looga soo celiyo dalka Kenya gaar ahaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo dowlada Kenya dadka ku jira ay u qabatay muddo seddex bilood ah.

Dowlada Kenya ayaa bishii april ku dhawaaqday go’aan ay dib ugu soo celineyso dadka qaxootiga ee ku jira Dhadhaab , kadib markii weeraro kala duwan ay ka dhaceen gudaha dalka Kenya.

Waxaa ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay jaamacada magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen 148 ruux halka 70 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, waxaana Kenya ay ku eedeysay in weerarkaasi laga soo abaabulay xeryaha dhadhaab.

Kenya ayaa sheegtay in xaalada qaxootiga ay noqotay mid wax u dhintay amaanka magaalada Nairobi iyo gobolada kale ee dalka Kenya, iyadoo xaalada bini’’aadanimo ay kasii dartay.

Wakiilka UNHCR ee QM ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in dowlada Kenya ay tixgiliso hishiiskii seddex geesoodka ahaa ee ay wada gaareen Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR ee dhigayay in dadka si iskood ah ay ugu soo laabtaan dalkooda.

“Dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed waxaa lagu saleyn doonaa soo celintii aan qasabka aheyn ee dhigayay hishiiskii Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR, u dhaxeeyay”sidaasi ayuu yiri Mr Guterres.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com