Gaarane: Waa in lasoo afjaro colaadda Deefow

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Naasir Maxamed Gaarane, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa DF Somalia, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shir la sheegay in lagu heshiisiinaayo beelaha dega Deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan.

Wasiir xigeenka ayaa sheegay in ka Dowlad ahaan ay si diiran usoo dhaweynayaan shirarkaasi lagu heshiisiinaayo Beelaha isku heysta Deegaanadaasi, waxa uuna tilmaamay in Somalia ay iminka mareyso xili xun oo ay doorasho fooda nagu soo heyso loona baahan yahay in laga gudbo colaadaha taagan.

Waxa uu sheegay in muhiimad weyn ay leedahay dib u heshiisiinta beelaha Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwii ku dagaalamay Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey, isaga oo Shirkaasi ku tilmaamay tilaabo loo qaaday xaga horumarka.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “waxaan door ka qaadan doonaa taageerida iyo fududeynta Shirka Deefoow iyo Kabxanleey, waxaan soo dhaweyneynaa cid kasta oo nabad ka tashaneysa oo aan ka shaqeeneyn dulmi, sidaasi awgeed waa inay tashadaan reer Hiiraan oo ay ka shaqeeyaan Maslaxadooda iyo Horumarkooda”

Dhanka kale, Shirka ka furmay Deefoow oo dhawaan ay ka dhaceen Dagaal beeleedyo ayaa waxaa barbar socda Shirka kale oo ka soconaya Xarunta Gobolka ee Baledweyne kaasi oo isagana looga tashanayo aayaha gobolka iyo dib u heshiisiinta Beelaha gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com