Xildhibaan maanta lagu dilay magaalada Garowe

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in kooxo hubeysnaa ay toogasho ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Maamulka Puntland.

Dilka Xildhibaanka ayaa la tilmaamayaa in loo adeegsaday Qarax iyo Rasaas is xigay, kadibna halkaasi looga dhex faa’iideystay dilka Xildhibaanka oo magaciisa lagu sheegay Saciid Xusseen Nuur Dirir ”Siciid Lugool”

Wararku waxa ay sheegayaan in dilka xildhibaanka uu ka dhacay Masaajidka Abuu Hurayra ee ku yaalla dhabarka dambe ee Shirkadda Golis.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Marxuumka uu maanta Khudbad ka jeediyey Munaasibaddii xil wareejinta Maamulka Gobolka Mudug, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ammaanka iyo horumarka uu gobolka u lee yahay.

Khudbadiisa ayuu ku sheegay inuu jiro Cadow Gobolka Mudug Horumarka u diidan kaasi, oo laynaya waxgaradka Gobolka isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeensado.

Dhanka kale, Qaarka mid ah Xildhibaanada Dowladda Puntland ayaa tacsi ka diray Geerida Xildhibaanka, waxaana ka mid ah Xildhibaanada ka tacsiyeeyay Geeridiisa Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar”Surcad”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com